Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isku shaan-dhayn iyo magacaabis ku sameeyey xisbigiisa tan iyo markii xisbigaasi ay ku kala calaf qaadeen garabkii Jamaal Cali Xuseen.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa wareegtadiisan waxaa ku magacaabay xubnaha.
- Cabdiraxmaan Axmed Cali (Xoghaya Arimaha Gudaha).
- Maxamed Jaamac Xaashi Koodbuur (Shiine) Wakiilka xisbiga UCID ee ururka Socialist International (SI) iyo Midowga Yurub (EU).
- Saynab X. Gaydh (Xoghayaha Waxbarashadda).
- Maxamed Axmed Muuse (Xoghayaha Arimaha Bulshadda).
- Cabdicasiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi (Xoghayaha dhalinyaradda iyo Cayaaraha).
- Dr. Sulub Ismaaciil Axmed (Xoghayaha Caafimaadka).
- Abwaan Maxamed Aw-cali Cartan (Lataliyaha Gudoomiyaha ee Arimaha Suugaanta iyo Dalxiisaka.
This post is also available in:
Somali