Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo Maaliyada ee golaha wakiilada JSL oo kulan la qaatay Maayarada Magaalooyinka

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo Maaliyada ee golaha wakiilada JSL oo beryahanba gacanta ku haysay kana shaqaynaysay Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2023 ayaa maanta kulan la qaatay Maayarada Magaalooyinka waaweyn ahna gudoomiyayaasha degmooyinkaas ee dalka oo ay ka mid yihiin

  1. Cabdikariin Axmed Mooge (Duqa Caasimada Hargeysa)
  2. Maxamed Axmed Warsame (Baradhe)(Maayarka Boorama )
  3. Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Maayarka Burco)
    4.Cabdishakuur Maxamuud Cidin (Maayarka Berbera
  4. Axmed Maxamuud Cumar (Maayar kuxigeenka Laascaanood)
  5. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi-Jiid) (Maayar kuxigeenka Ceerigaabo)
  6. Maxamed Amiin Cumar Cabdi (Maayarka Gebiley)
  7. Khaalid Cabdiraxmaan Xirsi (Maareeyaha Ururka Dawladaha Hoose)
  8. Yuusuf Cawaale Daahir (Maayarka Saylac)
    Kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo maaliyada ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse isla markaana ay joogeen dhamaan xubnaha gudida dhaqaaluhu ayay Maayaradu ku soo bandhigeen Miisaaniyadaha dawladaha hoose ee ay maamulaan ee golaha hortaala, caqabadaha haysta iyo dedaalada horu socod ee ay hayaan ee miisaaniyadani gufaynayso.
    xildhibaanada gudida ayaa waydiiyey suaalo ku saabsan odoroska Miisaaniyadan si ay uga helaan xogaha dheeraadka ah ee gudidu uga baahnayd.
    kulankan oo socday saacado badan ayaa si habsami leh Hadda u soo gebageboobay

Waaxda Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee
GGolaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland