Golaha Wakiilada Somaliland oo xeer ilaalinta Guud u Gudbiyey Dacwad Ka Dhan ah Guddoomiyaha UCID

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Wakiilada Somaliland oo xeer ilaalinta Guud ee qaranka u Gudbiyey Dacwad Ka Dhan ah Guddoomiyaha xisiga mucaaridka ah ee UCID.

La taliyaha arimaha sharciga ee Golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Cabdiraxmaan Mawliid ayaa sheegay in ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha xisiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe dacwad isugu jirtay eedaymo, fal danbiyeedyo ka dhan ah qaranka iyo inuu jabiyey sharciga u yaala ururada siyaasiga ah iyo asxaabta qaranka.

La taliyaha arimaha sharciga ee Golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Cabdiraxmaan Mawliid ayaa sheegay in hay’addaha sharcigu ay u mari doonaan dacwaddan hanaanka sharciga ah.