Golaha Wakiilada Somaliland oo Warbixino Laga Jeediyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha wakiiladda Somaliland ayaa maanta lagu dhagaystay warbixino ay soo diyaariyeen Gudddi hoosaadyadda Golaha. Kalfadhigan oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Goluhu Md. Cabdirisaaq Khaliif.

  • Golaha ayaa warbixin ka dhageystay guddiyadan:
  • Gudida Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsiga
  • Gudida Shuruucda iyo Xuquuqal insaanka
  • Gudida Arimaha Debeda iyo iskaashiga Caalamiga ah
  • Gudida deegaanka, wax soosaarka iyo kharaadka dabiiciga ah.

Waxa kale oo saaka Golaha la hor keenay mooshin ay mudanayaal golaha ka tirsani ku dalbanayaan in Xeer lr.14 la dhaqan geliyo oo aan laga doodin taas oo loo dhiibay Lataliyaasha sharci ee golaha si ay talo sharci uga soo bixiyaan.