Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo kulan la yeeshay Wakaaladaha Biyaha Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Md.Cali Xasan Maxamed ayaa kulan balaadhan la yeeshay dhamaan Wakaaladaha Biyaha Dalka.

Kulankaas oo ahaa kulan shaqo ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii ay wakaaladuhu u fulinlahaayeen siyaasada Qaranka ee Biyaha iyo sidii wakaaladuhu u toosin lahaayeen nidaamka maamulka xisaabaadka iyo isla xisaabtanka.

Waxa kale oo kulanka diirada lagu saaray sidii wakaaladuhu u soo gudbin lahaayeen Qorshe sanadeed (Annual Work Plan) kaas oo Lagula xisaabtami doono.

Sidoo kale kulankan waxaa lagu lafaguray sidii loogu wada diyaar garoobi lahaa Abaaraha iyo Biyo dhaamka.

Ugu danbayn waxaa warbixino faah faahsan laga dhagaystay Wakaaladaha Biyaha ee dalka.
Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Biyaha,Agaasimaha Guud iyo Agaasimayasha waaxyaha Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha.