Ma Golaha Wakiiladda ayaa Fawdo Noqdey Mise Waxaa jirra Xeerarkii uu Cabdirisaaq Siciid Ayaanle La hoos dhigay

Guud ahaanba Shacabka Somaliland, Qeybo badan oo Kamid ah ayaa si Qotodheer, u Fahmey Baaqa uu Shaley Warbaahinta Mariyay Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo u Yeedhayay Maayarka Gabiley, Waxaana isweydiin Mudan Xaq ma u Leeyahay innuu u yeedho Maayarka Gabiley isaga iyo Shirgudoonka Golaha Wakiiladu?

Waxaa Isweydiin Muddan Golaha Wakiilada Somaliland, Ma Fulinbaa Halkuu ka Keenay Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland, in uu sitoos ah Warbaahinta uga Sheego in Maayarka Gabiley kuniman Waayay Yeedhmo, ay ugu Yeedheen Gokaha Wakiiladu.

Muxuu ugu Yeedhi Waayay, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, ee Kamid ah Hay,ddaha Fulinta ah ee Maamul ahaan uu hoostago Maayarka Gabiley iyo Guud ahaanba Maamulka Degmooyinka iyo Gobolada Somaliland.

Talaabada Noocan, ahi Waa mid uu Sharci ahaan garanayo, Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo hada mudo dheer ka Shaqeynayay Golaha, inkastoo uu Waayo aragnimo dheeraad ah u Leeyahay Baadhista Dambiyada Criminal ah, oo uu Mudo dheer kusoo Shaqeeyay.

Qorey: Cabdiraxmaan Hiiraan