Golaha Guurtida JSL Oo Warbixin Ka Dhageysat Guddida Arrimaha Bulshada

Hargeysa – (warsoor) – Mudanayaasha golaha Guurtida Jamhuuiyadda Somaliland ayaa warbixin ka dhageysatya guddida arrimaha bulshada ee golahaasi oo kormeer ku soo maray wasaarradaha deegaanka, Diinta iyoAwqaafta iyo wakaaladda Biyaha ee Hargeysa.

Fadhigaas oo uu shirgudoominayey guddoomiye ku xgeenka koowaad ee golaha guutida Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, waxayna xildhibaannada golahaasi warbixin kaga dhageysteen guddida arrimaha bulshada ee golaha guurtida, waxaana warbixinta guddidaas golaha ka hor akhriyey guddoomiyaha guddidaas Xildhbaan Axmed Daahir Jirde, oo sheegay in ay kormeer ku tageen wakaaladda Biyaha ee Hargeysa iyo goobaha kaydka biyaha ee ay hawlaha biyo ballaadhintu ka socdaan.

Wuxuuna xildhibaan Axmed Daahir, intaas ku daray in ay kulan la yeesheen maareeyaha wakaaladda biyaha ee HargeysaMaxamed Cali Daa’rood, oo uu tilmaamay inuu warbixin wanaagsan ka siiyey qorshayaasha wakaaladda biyaha iyo hanaanka ay u socoto hawsha biyo ballaadhinta biyaha ee caasimadda Hargeysa, isaga oo intaas raaciyey in wakaaladda biyuhu keentay qalabka shaybaadka biyaha oo lagu ogaanayo tayada biyaha iyo badqabkoodaba.