Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile ayaa hal-abuuray gabaygan baroordiiqda ah oo ugu ducaynayo Prof. Axmed Cabdi Dacar oo ku geeriyooday magaaladda Hargeisa, taariikhda: 21/10/2016. Meerisyada gabaygani waxay isugu jiraan kuwa duco ah, kuwo taariikh-nololeedkii marxuumka ka hadlaya, iyo kuwo cibro-qaadasho ah oo macnaha adduunyada sida ay madadaalo u tahay sheegaya, iyo beydad ka hadlaya awoodaha illaahay iyo inay geeridu tahay maamulkiisa oo xaq ah, markaa waxaa kaaga kordhaya cibaado iyo baraarug.
Wuxuu Abwaanku ku bilaabay sidan:
Maantana warkii dacar miyaa, murugo soo yeedhay
Macallinkii aqoontiyo miyaan, mudanihii weynay
Madadaalo dunidaay miyaa, mood yar lagu daalay
Meel ruux na waarayn miyaa, laga macaan doonay
Miyaan Muxamed nebigii (scw) ka tegin, mawd xaq weeyaane.
Mahuraan adeer iyo awoow, lagama maarmeyne
Haddaan midhadh wanaag uu lahaa, milicsi kuu sheego,
Qof waliba manfaca uu taraa, lagu majeertaaye
Mabda’ii dhexnimo iyo runtii, maan xornimo qaatay
Muran kuma dhex quusayn kolkay, maayad socotaaye
Dawladnimo muxaafida hadday, cudud wax maagayso
Dulmi kagama meermeeri jirin, meel kastuu jira’e
Kol mucaaridkii weeranyoo, la isku maandhaafo
Iyagana miyirin wuxuu jeclaa, maan wax sheegiiye
Mur hadday qadhaadhahay xaqii, kama mildhaabayne
Midhihii tacliintiyo wixii, daris la maalaayey
Manfacada cilmiga aad dhigtaa, lagu macaashaaye
Oon maalin kaa go’in ajriga, aakhiraa mudane
Muftaaxii aqooneed ninkii, garasho maaxaayey
Manhajkii daraasiyo kulliyad, Macallin soo saarta
Maskax wuxuu la yimid aadanow, Marin la raacaaye
Jahliguu masaxay maalintuu, shiday misbaaxiiye.
Maandhow in badan wuxuu halgamay, maalmihii adage
Markii tawradii macangagii, maxasta laynaysay
Dabaabaabka miigiyo madfaci, dhibica moodaysay
Maatiduu u digay caalamkii, maganta noo dhawrye.
Intuu meelkasta u maray dalkani, magac inuu yeesho
Ictiraaf mabdi’i uu bandhigay, madasha reer caalam
Waad garan muhiimkii waxaa, maqan la raadceeyey.
Madarow aqlaaq wuxu lahaa, ugu macaanayde
Marna waxaan illoobay qalbiga, muxubadiisiiye
Maqaaladu qoraa noogu filan, madax war sheegeede
Mar haddaan la garanayn nin raggi, maalintuu joogo
Mugdi weeyi garashada dadkaan, mahadin ruuxoode
Makhluuqani u soo kacay dadkaa, mawjad hirar moodo
Aas qaran maqaamkiis miyaa, madax saf loo joogay.
Miisaanka ducadii ergada, maalig ugu deeqye
Macbuudkaan baryaynaa jannaa, lagu macaashaaye
Allahayow maciin kale malihin, adiga mooyaane
Masiibada danbiga saamaxdiyo, xumaha aad maydho
Marxuumkiyo intii nool dadkaba, muuminimadooda
Ruuxna kaama maarmoo rabbow, maalig baad tahaye
Wax la moogan yahay waad ogtoo, maan adaa garane
Hana hoojin maalmaha xisaab, milicda loo joogo
AAMIIN, AAMIIN
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun
Email: saadroodhiile@gmail.com
This post is also available in:
Somali