Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa warqadaha uga guddoomay  Verinoque Lorenzo oo uu Midowga Yurub u soo magcaabay safiirkooda Soomaaliya fadhin doonta.

madaxweynaha-12

Madaxweynaha oo uu wehliyo, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil kale, waxa uu war-bixin ku saabsan shaqadeeda Cusub ka dhageystay Mss Lorenza.

Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu sheegay in Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan, isla markaana uu ogollaadey shaqada Safiirka cusub, gacanna ay ku siin doonaan howlaha ay Soomaaliya ka qaban doonto.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Cali Kadiye, ayaa warfidiyeenka u sheegay in madaxweynaha  iyo safiirka ay aad uga hadleen sidii loo dardagelin lahaa howlaha Midowga Yurub ee Sooomaaliya.

Safiirka cusub ee Midowga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya Lorenza, ayaa  sheegtay  in ay ka shaqeyn doonto sidii uu u sii jiri lahaa  xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Soomaaliya ka taageera dhan walba, shaqadaas waxaan rajeynayaa in ay noqoto  mid aan dowladda Soomaaliyeed ku wada guuleysanno.

“Nolosheyda cusub ee Muqdisho Soomaaliya ayaa ii bilaabatay maanta, waxaa naga dhexeeya Soomaaliya xiriir dheer, madaxweynaha ayaan soo booqdey aad ayuu ii soo dhoweeyey, waa uuna aqoonsadey shaqadeeda Soomaaliya, waxaa naga go’an in shacabka Soomaaliyeed aan u wada adeegno, muddo dheer ayaana taageero u fidineynay, waxaan ku dedaali doonnaa inaan ku guuleysanno shaqadaas weyn, Soomaaliya nidaamka dimoqoraadiyadda goor hore ayeey ku howllaneed in ay hirgaliso, taas ayaana u wada istaagi doonnaa”. ayeey tiri Safiirka

Mss Lorenza, ayaa baddeshay Michel Gorn’of oo  muddo afar sanno joogey  Soomaaliya, Midowga Yurub ayaana isku dayaya in uu la yimaado isbadelka doorashooyinka kaddib howlgal cusub oo ku saleysan wada shaqeyn iyo taageero toos ah oo la siiyo dowladda Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.