Dowladda Shiinaha oo horumarin ku sameynaysa Mashaariicda ay ka fuliso Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China u fadhiya Soomaaliya FEI Yengchao.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xiriirka laba-geesoodka ah ee labada Dowladood iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dowladda China ka waddo Soomaaliya.

Shiinaha ayaa doonaya in galangal xooggan oo dhanka ganacsiga iyo siyaasadda uu ku yeesho Afrika, waxaana Soomaaliya ay ak mid tahay dalalka xiriirka dhow la leh Shiinaha.