Dowlada Soomaaliya iyo QM oo billaabay qorshe lagu caawinayo dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan

Muqdisho – (warsoor) – Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha xiriirka Bini’aaddannimada ee UN-OCHA ayaa sheegtay in maanta lagu daah furay magaalada Muqdisho qorshe balaaran oo looga jawaabayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee gacanta ka geysta gargaarka bani’aadanimo.

Qorshaha ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay in lagu caawiyo 4 malyuun oo qof kuwaas oo qeyb ka ah 5.9 malyuun oo u baahan gargaar.

Dadka la caawinayo waxaa qeyb ka ah dadka barakacayaasha ah oo ah kuwa ugu badan oo dhibaatada ay heysato.