Dalalka G7 oo diyaar u ah ‘wadahadal dhab ah’ oo lala yeesho Ruushka

RUUSHKA – (WARSOOR) – Kooxda G7 ee dalalka ku hormaray xagga warshadaha ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin “wadahadal dhab ah” oo lala yeesho Ruushka ,kaas oo ku saabsan xiisadda Ukraine ka dib markii wadamada reer galbeedka iyo NATO ay ku eedeeyeen Moscow inay isku dayday inay abuurto marmarsiinyo duulaan .

Xubnaha G7,ayaa lagu wadaa in ay kulmaan galinka dambe ee maanta ,iyada oo ay jirto walaac laga qabo in ay si lama filaan ah u sii xumaadaan rabshadaha ka jira bariga Ukraine.

Subaxnimadii maanta fallaagada uu Ruushka taageero ee bariga ayaa mar kale ku eedeeyay ciidamada Kyiv inay duqeeyeen tuulo ay fallaagada gacanta ku hayaan.

Iska horimaadyada ka dhaca deegaanadaasi ayaa ah kuwo caadi ah, balse xiisada ka aloosan xadka ayaa sii xoogeysatay kadib markii halkaasi la geeyay tobanaan kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka.