Buugga Murti iyo Mahadhooyin oo lagu daah furay munaasibad la isku arkay

Hargeysa – (warsoor) -Waxa xalay madal la isku arkay lagu soo bandhigay buugga Murti iyo Mahadhooyin ee uu qoray Ambassador Cumar Xaaji Maxamuud “Cumar-Dheere”. Munaasibadda oo si weyn loo agaasimay waxa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Martisharaf isugu jirta abwaano, qoreyaal, wasiirro, salaadiin iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Somaliland ayaa munaasibadda ka qayb-galay.

Qoraaga buugga oo madasha hadal ka jeediyey ayaa tibaaxay in uu buugga qoray muddo 18 sanno ah ka hor hase ahaatee ay hadda uun suurto gashay in uu buuggu ifka u soo baxo. Wuxuuna dhallinyarada u soo jeediyey in intii karaankooda ah ay ka qayb-qaataan weelaynta dhaqanka iyo suugaanta. “Waari maysaane war ha idinka hadho” ayuu yidhi qoraagu.

Ibraahim Maxamed Ismaaciil, Boobe Yuusuf Ducaale, Yuusuf Cismaan Cabdille “Yuusuf-Shaacir”, Dr. Martin Orwin iyo Sheekh Ciise Cabdillaahi ayaa dhammaantood si fiican buugga u soo bandhigay, mid walibana wuxu soo qaatay qaybo buugga ka mid ah oo uu soo bandhigay kuwaas oo marar badan qosol loola dhacay.

Buugga Murti iyo Mahadhooyin oo ka kooban 5 cutub wuxu sawir wanaagsan ka bixinayaa dhaqankii iyo noloshii hore ee Somalida, tusaale ahaan sidii golaha looga baani jiray, sidii guurka iyo haasaawuhu ahaan jireen, sidii colaadaha loo maarayn jiray, sidii garta loo niqi jiray iyo arrimo kale oo badan ayaa laga dheehanayaa.

Dadkii buugga soo akhristay ee madasha ka hadlay waxay tibaaxeen in uu buuggu xiiso gooni ah ku abuuray waxaanay ka-qaybgaleyaasha kula taliyeen in ay iibsadaan.

Waxa iyaguna goobta haddallo ka jeediyey Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Aadan Buuni, Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda Dr. Cabdiweli Suufi, Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki iyo Suldaan Maxamuud Axmed-Sheekh.

Ugu dambayn ka qayb-gelayaashii waxa ay iibsadeen buugga oo lagu iibsanayey isla madasha lagu daahfuray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.