Biden oo maanta dunida u diri doono ‘Farriin Midnimo’

MARAYKANKA —  (WARSOOR) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in booqasho afar maalin ah oo uu ku joogo Yurub kusoo gaba gabeeyo, khudbad uu bulshada caalamka ugu gudbin doono “farriin midnimo, taas oo uu ka jeedin doono magaalada Warsaw ee caasimadda dalka Polland.

Aqalka Cad ayaa maanta sheegay, in Biden uu khudbaddiisa diiradda ku saari doono sidii uu ugu boorri lahaa dowladaha caalamka adduunyo xor ka ah oo kasoo horjeedda duullaanka Ruushka ee Ukraine iyo in ay jirto midnimo weyn oo ka dhaxeysa dalalka ku horumaray dhaqaalaha, si loo joojiyo Vladimir Putin.

Biden ayaa isla maanta la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ukriane Dmytro Kuleba iyo wasiirka gaashaandhiga Oleksii Reznikov, kulankaas oo noqday kii ugu horreeyay oo ay si fool-ka-fool ah saraakiil sare oo Ukraine ah la yeeshaan madaxweyne Biden, tan iyo inti uu billowday dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

Wuxuu sidoo kale Biden la kulmi doonaa, madaxweynaha Polland Andrzej Duda, si uu ugala hadlo xaaladda qaxootiga Ukriane ee ku sugan Polland.

Polland ayaa waxaa gaaray in ka badan 2 milyan oo ka mid ah malaayiinta ka qaxday colaadda Ukraine.