Al-Shabaab oo Qarax la beegsaday gaadhi dad shacab ah ay saarnaayeen

Muqdisho – (WARSOOR) –  Wararka ka imaanaya deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qarax miino deegaankaas ay kula qaraxday gaadhi siday dad rakaab ah oo ka baxay magaalada Kismaayo kuna sii jeeday degmada Dhoobley ee gobolkaas.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa inuu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dadkii rakaabka ahaa ee gaadhiga saarnaa, waxaana qaraxaasi oo ay argagaxixsadu aaseen ku geeriyooday 7-Qof oo ilmo todobo billood jira uu ka mid ahaa.

Ma ahan falkii ugu horeeyay ee argagixisadu ay la beegsadaan dad shacab ah ee waa mid ka mid ah falalka gumaadka ah ee maleeshiyada naf lacaariga ah Al-Shabaab ku hayaan shacabka la daala dhacaya raadinta nolol maalmeedkooda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa u taagan sidii ay u ciribtiri lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u fuliya weerarada.