Abaanduulaha Ciidanka Xoogga “Waxaan isku furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Marka”

Muqdisho – (warsoor) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Nabad diidka Kooxda Alshabaab ka eryay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Marka oo ay kamid yihiin Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale, halkaasi oo muddo ay joogeen Argagixisada.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Nabad diidkii ku dhibi jiray inta u dhaxeyso Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda Ciidammada qalabka sida, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay  Kooxda itaalka darran ee Alshabaab in laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah.

Kooxda Alshabaab ayaa dadka isticmaala wadadaasi u geysan jiray dhac, Boob, Dil oo ay usii dheereyd Afduubka Maatida oo ay kusoo daayaan Lacago Madax furasho ah, balse dhibaatada Shacabka waxaa u dulqaadan waayay Daljireyaasha Xoogga dalka oo soo afjaray dhibkii Argagixisada dadka ay ku hayeen.

Argagixisada Arxanka darran ee Alshabaab, ayaa noqday Tusbax dhinac laga furay, waxaana ku socda Xidido siib, si loo Ciribtiro, Maadaama ay muddo dheer ku howl lanaayeen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.