Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo kulamo wacyigelin ah la qaatay waxgaradka iyo haldoorka degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Gar-adag

Ceel-Afweyn – (WARSOOR)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee u kuurgelidda xaaladda abaareed iyo bixinta qaadhaankii xukuumaddu u qoondaysay bulshada gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool maalmahan ku hawllanaa, ayaa maanta kulamo wacyigelin dhinaca is gacan-qabashada ah la qaatay haldoorka, madax-dhaqameedka, xildhibaannada iyo maamulka demgooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag ee gobolka Sanaag.
Xubnaha weftiga ahi intii ay degmooyinkan ku sugnaayeen waxa ay kormeereen hawlgallo ballaadhan oo ay kooxo caafimaad oo ka socda wasaaradda horumarinta caafimaadku ku tallaallayaan, daawooyinna ku siinayaan xoolaha aaggaas ku sugan, gaar ahaan geela oo xilligan abaartu taagan tahay u baahan in laga daaweeyo xannuunnada jira.
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa bulshada degmooyinkaas ku dhaqan ku adkeeyey inay dhexdooda is caawiyaan, una gurmadaan dadka jilicsan iyo dadka meelaha fogfog kasoo hayaamay ee ay abaartu keentay.

Intaas kaddib, madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayaa waxa qado-sharaf loogu sameeyey deegaanka War-idaad, iyagoo intaas kaddibna socdaalkooda sii watay, lana shaaheeyey shacabka degmada Sheekh, kuna soo hoyday magaalo-madaxda gobolka Saaxil iyo Berbera.