Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Booqday Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee ka socda Degmada Yagoori

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin axmed iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ay wehelinayaan Maamulka Gobolka Sool ayaa soo booqday Shirka Nabadaynta Beelaha Walaalaha ee ka socda Degmada Yagoori.

Weftigan wasiirada ah ayaa la kulmay Guddiyada Nabadaynta ee Shirka iyaga oo iska xogwaraysa sida uu u socdo Shirka iyo halka uu Marayo.