Maraykanka oo ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

Washington – (warsoor) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “ Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulkayaga uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaallo Diblamaasiyadeed oo caalami ah oo wax looga qabanayo xasaraddaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Feltman ayaa ah masuul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Qaramada, iyadoo lagu tiriyo Dadka khibradda fiican u leh Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.