Somaliland Tirada Dhimashada ee xannuunka Covid-19 oo korodhay

Hargeysa – (WARSOOR) – Sida lagu shaaciyey warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaa maanta u geeriyooday xanuunka Koofidh-19 laba qof oo cusub, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 17 qof.

Baadhintaankii la sameeyey 24 saacadood ee la soo dhaafay waxaa xanuunka laga helay 14 xaaladood oo cusub oo koofidh-19 ah kuwaasi oo kala ahaa: 8 rag iyo 6 dumar ah. Guud ahaan tiradda dadka laga helay xanuunka Koofidh-19 waxay dhan yihiin 217 xaaladood.