Meles Sanaawi itoobiyo cusub buu hal abuurey

Itoobiya 1991 kii waxa usoo baxay hogaamiye isbedel ku sameeyey Itoobiya.

Waa males sanaawi oo itoobiyadii macaluusha looyaqaanay ee sanad walba loo soo gurman jirey ka dhigay dal dhaqaalihiisu xawaare sare ku socdaan, dal ka nadiif ah musuqmaasuqa afrika ragaadiyey, waxa uu qoomiyad walba u sameeyey maamuul hoosaad u gaar ah, kililka soomaalida mooyee inta kale horumar weyn bay sameeyeen.

Wuxuu sameeyey isla xisaabtan wasiirka ilaa agaasime waaxeedka, waxa qiimeeya guddi awood leh oo sanadkii ama lixdii biloodkiiba mar qiimeeya, masuul walba shaqaalihiisa lagu hor qiimeeya oo la yidhaahda waxaad ku aragteen sheega si xor ah ayey shaqaaluhu u hadlayaan waxaana awoodaasi damanaad qaaday guddidan qiimaynta, qiimayntaasi hadii uu ku dhaco masuulkaasi xafiis dawladeed kama shaqayn karo noloshiisa. Taas baa isbedelka keentay.

Meles ka hor tuugtu hadhcad bay dadka dhici jireen, laaluushka.,musuqmaasuqa iyo macaluushu caan bay ku ahaayeen itoobiya inta aanu isagu tirtirin, imika laaluushka ka qaata iyo ka bixiya waa 5 sanno oo xadhig ah hadii lagu qabto, taas baa keentay in xafiis waliba toosnaado.

Abiy Axmed isna wuxuu doonaya inuu taariikh cusub abuuro oo ah dimuqraadiyad iyo doorasho hal qof iyo hal cod.

Taas ayaa keentay inuu ka xanaaqo dhacdadii maalintii dhoweyd lagu farosaaray xildhibaanada gobolka somalida, waxaanu usoo direy guddi baadha kiiskaasi, waxaani ballanqaaday hadii kiiskaasi dhaawacayo dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka inuu ciqaab adag marin doonno madaxweyne mustafe Cagjar. Waayo waxa uu sheegay inay ceeb ku tahay xisbigooda oo sumcadda dimuqraadiyada dhaawacaya.

Hogaamiyuhu waa inuu sameeya taariikh cusub oo buugaagta Afrika u gasha.

W/Q: Barkhad-ladiif Maxamed Cumar