Wafdi uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Garoowe

Garoowe (warsoor) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.

Ra”iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad-goboleedka Puntland, gaar ahaana madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”iisul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay kusii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.