Garoowe (warsoor) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-goboleedka Puntland.
Ra”iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad-goboleedka Puntland, gaar ahaana madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xubno kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”iisul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay kusii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.
This post is also available in:
Somali