Anigoo ah muwaadin Danta Guud u hagar baxa , ayaa sidii layga bartay marka ay wax I damqaan waxaan Warbaahinta soo marin jiray kolba taladii aan is leeyahay wax bay toosinaysaa. Warqadan furan ee maanta Warbaahinta marinayaana waxay ku saabsan tahay arrin taagan oo u baahan in wax laga qabto.
Sida xoguhu ay iftiiminayaan waxa baryahan jirtay, in Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Somaliland Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Ducaale agoontii uu ka tegay laga saarayo gurigii Dowladda ee ay ku jireen, oo qasab lagaga saarayo. Sidaynu ognahayna Halyeey Cabdiraxmaan Ducaale wuxuu soo shaqeynayey ilaa 60 sanno haddii ay noqoto Dowladda Somaliland iyo tii hore ee wixii laysku odhan jiray Soomaaliya, anigoo shaqsiyan kala soo shaqeeyey muddo 10 sanno ah Baankii Comemercial & Saving Bank of Somalila. Cabdiraxmaan waxa uu ahaa iyo waxa uu qabtay toona cidna loo sheegi maayo, waayo halkan kuma soo koobi karo waxaana laga yaabaa in aad iga taqaanay Mudane Madaxweyne.
Sidaasi awgeed, waxaan si naxariis leh kaaga codsanayaa in agoontii uu ka tegay Marxuumkaasi Muxtarimka ahaa loo daayo Guriga Dowladda, haddii kale guri loo dhiso. Waxaana marag ma doonto ah, in geeridiisii ay ka soo dhowaysay qalbi xanuun uu ka qaaday shaqadii uu hayey oo aniguna aan xog-ogaal u ahaa. Waxaana mar-mar dhici jirtay, in marka Qasnadda Dowladda DHexe wax laga waayo uu ku carari jiray Ganacsatada waa weyn oo u Sumcad weyn oo wanaagsan ku dhex laha, uu dayn ugu soo qaadi mudo kooban ah laguna bixin jiray mushaharka Ciidamadda J. Somaliland, oo markii shaqada laga sarey Ganacsatadii laheyd lacagtaasi u qabsadeyn in uu soo celiyo,taasina ay u suurtoobiwedey xaga Dawladan.Waxana Alleh la hortagaya 60ka sanno ee dalka u shaqeynayay in usan 1centi un ka hungureyn,kana qadan oo Musharkiisa aheyd,Somaliduna waxay tidhahda,Caruur Catuur an lala ciyaarin ba jirta,Tii duliga aheyda ee qabyalada aheydna haddan ku cuskado, an la soo baxao,Marxuunkaasi abti bad ugu toosan tahay,wa halka ay hadana somalidu Colka wadhaf ma lagu dayay!Amaba Fiqi tolkii kama janno tago!
Ta saddexaad, waxa murugo weyn igu haysa Ciidamadda kala duwan ee Somaliland ee habeen iyo maalin inoo taagan, in kuwo inaga mid ah oo wax ma garato ahi ay ku hayaan aflagaadooyin, gacan ka hadal iyo dilba. Sidaasi awgeed, mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in arrintaasina amar adag oo lagaga caago oo fulin wata laga soo saaro.
Qodobka seddexaad Waa Shaqada ay inoo hayaan gudida Wanaag Farista iyo xaman reebista Shaqada ay iyagu isku xilqaman ee ay u hayan Reer S/land waa mid Reer s/land oo dhami ogyahiin ay u hayan abaal iyo wanaag an qiyaas laheyn oo la wada mahadiyay,abaal weyna loo wada hayo inaga muteysten.
Haddaba M.weyne Guddidaasi waxa dishootay Xafiis La’an ay ku shaqeeyan.Sidaas awgeed ,waxaan ka codsanaya in xafiisyadii ay imika ka guurayan Wasarada Diinta iyo Awqafta la siiyo,waayo guri kiro ma iska bixin karan sinaba.
M.weynu qobka shanaad waxa weeye,Guulihii ugu weyn ee kulmiya soo hooyay,wax ka mid ah Darajooyinkii Ciidamada J.S.L lagu taxay oo sharaf iyo haybad iyo kalo danbeyn u soo jeeday iyo maamul-wanaag.Hase ahatee,waxa jira guux iyo shaki bulshadu ay ka qaaden sida loo biixiyo Darajooyinka intan danbe,iga iyo Allahoode!Bal hoos u dhogo Arrintan.
Waxa la yidi Dawladu indhoqudhanjo ayay leedaye bal eeg qadiyada.The last but not the least wa qodobka lixaade, Kuwo fidmawalayal ah oo bushasheena ka mid ah ayaa Argagax iyo Tashuush
Mar mar ku fura bulshneena,garahaana Dumarka oo shuba caruur ba la
Xadeya,Beerka,Wadnaha,Kayaha laga baxaya oo la iibsanaya.Kuwaasi in la eegto Maha mana inga qabto in aan ka amusno.Sidoo kale waxanan ka tagi Karin,Dumarka dhala ubaddka xalaalsha an ku dhalan ee lagu tuuro Gudafahada,jararka,Musqulaha.iwm ee eydu,Waraabahu cunaan,
Talow ayaa la weydiinaya qadiyadan maalinta alleh la hor taaganyahy?
Waxan ku soo gunanadaya,arrimahan wan ka jiifiwayay oon ka joogi waaye,Midida adiga Dabkeeda hayee plse and plse wax ka qabo.
Haldoor Rashid Sulub Calin.Daci, Mufakir, Samofale, Qoraa, Taatiikhyahan
TeI.4426781 e-Mail.sulub2007@yahoo.como65746670