9 Qof oo Ku Dhaawacmay Shil baabuur oo ka dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa iyo Ciidanka Dab-damiska oo Ka Hawlglalay

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 11:30 kii ka Hawlgalay Shil baabuur oo ka dhacay Tuulada Abaarso ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Shilkan ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 Qof, waxaana sababay shilkaas darawalka gaadhiga oo ka leexday Neef Geela oo Waddada Marayay.

Ciidanka Dab-damiska ayaa soo toosiyay gaadhigaa shilka galay, sidoo kalena dhaawacii gaadhsiiyay Magaalada Hargeysa.

Laamaha Amaanka iyo Nabadgelyada Waddooyinka ayaa iyaguna Hawlgalkaa Qayb ka ahaa.

Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.