Xubnaha Golaha Amaanka oo Kulan Gaar ah La Qaatay Ururadda Haweenka Muqdisho iyo Wasiirka Haweenka

Muqdisho – (warsoor) –  Xubnaha Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay oo kulan la yeeshay Ururadda Rayidka Haweenka Muqdisho iyo Wasiirka Arimaha Haweenka iyo Xuquual Insaanka waxaanay ka wadda hadleen doorka haweenka ee siyaasadda dalka.

Kulanka oo uu shir gudoominaayey Xoghayaha Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Micheal keating waxaa uu warbixino ka dhagaystay haweenkan matalaayey bulshadda rayid ah ee haweenka Soomaaliya.

shirkii_haweenka_QM1

Kulankan waxaa ka soo qayb-galay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan IGAD, xildhibaano, Wasiirka haweenka iyo masuuliyiin kale.

Sahra Maxamed Cali Samater Wasiirka Arimaha Haweenka iyo Xuquula Insaanka oo kulankan ka hadashay ayaa sharaxday duruufadaha ku gadaanaa haweenka Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaan ee ay soo martay xaaladda Soomaaliya tan iyo intii ka dambaysay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in hadda waxoogaha horumar ah laga gaadhay arimaha haweeen oo ay wasiiro iyo xildhibaano iyo gudoomiyayaa ku leeyihiin dawladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiiradda ayaa soo dhawaysay in la dardar galiya in haweenka loo qoondeeya saami ay ku yeeshaan xukuumaddan oo dhan 30%.

Kulankan waxaa iyaguna ka hadlay dumar ka kala socday bulshadda rayidka waxaanay sii xoojiyeen in haweenka Soomaaliyeed saami 30% ah laga siiyo hogaanka dalka.

shirkii_haweenka_QM

Ergadan ka socotay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa soo dhaweeyey doorka ay dumarka ka ciyaarayaan ka mid noqoshadda hogaanka siyaasadda dalka Soomaaliya waxaanay ku farxeen sida dhiiranaanta leh ee ay dumarku ugu doodayaan inay helaan saami go’an oo ay ku yeesheen hogaanka siyaasadda dalka.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa sheegay in xogta ay ka uruurinayaan xaaladda siyaasadda Soomaaliya ay ka diyaarin doonaa warbixin dhamaystiran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.