Madaxweynaha Soomaaliya oo Beesha Caalamka u Xaqiijiyey In Doorashaddu Xiligeedii Ay Dhacayso

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la kulamay xubno ka socday golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa u xaqiijiyey in doorashadda Soomaaliya ay dhici doonto xiligii loo qorsheeyey.

Kulanka_Madaxweynaha_QM

Xubnaha ka socday golaha amaanka Qaramadda Midoobay ayaa Soomaaliya u yimid sidii ay dawladda federaalka Soomaaliya ayaa uga adkayn lahaayeen inay fuliso heshiiskii laga soo saaray madasha wadda tashiga Soomaaliya ee lagu heshiiyey in doorashadda dhacdo bisha August 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulankan uu ku wehelinaayey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay inay fuliso qodobadii ku yaalay heshiiskii madashadda wadatashiga.

 “Waxaan sameyney horumar la taaban karo. Waxaa guusha horumarka aanu gaadhney uu midha dhal noqon doonaa marka aan la imaano tanaasul, isla markaana aan meel marino doorashooyinka taariikhiga ah ee loo ballansan yahay. Waa inaan ku dadaalnaa intaan kari karno in hannaanka siyaasadda dalka ay cid walba ay iska dhex aragto, lagana dhigo barnaamij loo wada dhan yahay’’, Sidaa waxaa yidhi madaxweyne Xasan oo la hadlaayey xubnaha Golaha Amaanka ee Muqdisho Yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.