Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Inay Maal-galiyaan Barnaamijka Doorashadda

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa beesha Caalamka ka dalabaday inay maal-galiyaan doorashadda Soomaaliya ee bisha August 2016 ka dhici doonta Soomaaliya, sidoo kalena shaqo abuur u sameeyaan dhalinyaradda.

Dalabkan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu baahiyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Soomaaliya oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aways.

madaxweynaha_SoomaaliyaMadaxweynaha Dawladda Federaalka ah Md. Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulankii uu shalay la yeeshay wakiiladdii ka socday Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ka dalbaday in gacan ka gaystaan barnaamijka doorashadda ee Soomaaliya iyo sidoo kale in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii loo diyaarin lahaa ciidamo Soomaaliya oo si buuxa ula wareega hawsha nabad-ilaalinta ee midowga Afrika uu Soomaaliya ka waddo, si loo soo af-jaro hawl-galka Amisom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.