Xisbiga WADDANI oo Xus Baroor-diiq Ah u Sameeyey Dhallinyartii Ku Geeriyooday Badda u Dhaxeysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga

Hargeysa – (warsoor) -Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta xus baroor-diiq ah oo ay ku muujinaayeen sida ay xisbi ahaan uga xun yihiin dhallinyartii reer Somaliland ee maalmo ka hor ku le’day badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Xuskan oo ay soo qaban-qaabiyeen garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI, ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada, guddida fulinta, garabka dhallinyarta iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa ay guud ahaanba dadkii ka soo qeyb-galay waxa ay salaadul Jinnaasa Jamaca dhallinyartaas Marxuumiinta ah lagaga tukadey barxadda hoteelka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Aas-qaran

Afhayeenka garabka dhallinyarta xisbiga WADDANI Md.Maxamed Siddiiq Dhamme, oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ka dhallinyar ahaan aad ugu xun yihiin dhallinyarta ku geeriyootay badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga, waxaana uu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, qaraabaddii ,asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo ugu baaqey xukuumadda talada haysa in ay la timaado qorshe dhallinyarta lagaga badbaadinaayo Aafada Tahriibta.

Aas-qaran2

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas erayo dareen leh oo ay ka muuqatay sida uu uga xun yahay ka soo jeediyey madashii Maroor-diiqda looggu sameeyey, ayaa waxa uu ugu horreyn Alle ugu baryey Marxuumiintaas in uu godka u nuuriyo, kana waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa, sid oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay ka baxeen dhallintaasi, waxa kale oo uu tilmaamay in dhallinyarta Somaliland ay gabtay xukuumadda talada dalka haysa isla mar ahaantaana taa bedelkeeda ay u hayaan qorshe ay ku horumarinayaan dhallinyarta Somaliland oo lagaga bixi doono dhibbaatooyinka rejo la’aaneed ee haysta.

Aas-qaran1

Geba-gabaddiina, waxa halkaas si wada-jir ah loogaga duceeyey Marxuumiintii dhallinyarta ahayd ee ku geeriyooday badda, iyada oo ay Illaahay uga baryeen in uu godka u nuuriyo sida oo kalena uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa, ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii ay ka baxeen uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Wariye Khadar Gurayte

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.