Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Laga Hadlay Dhibaatadda Tahriibka iyo Xaaladda Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maalinimadii khamiista xarunta madaxtooyadda Somaliland ka dhacay shirka todobaadlaha ee golaha Wasiiradda, shirkan oo uu shir gudoominaayey madaxweyne Siilaanyo waxaana laga hadlay qodob xasaasiya oo tahriibku ka mid ahaa iyo dhacdooyinkii dalka ka dhacay.

shrika_Golaha_wasiirkaddaWasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Somaliland oo ka warbixinaayey arrimaha amniga ee dalka, Mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay dhacdo ka dhacday degmada Bali-dhiig ee gobolka togdheer, halkaasoo la sheegay inuu nin degaankaas ahi ku gawracay wiil yar oo 12 jir ah, taas oo lama filaan ku noqotay shacbiga dalka, sidoo kalena ay ka anfariireen xubnihii golaha wasiiradu, ilaa ay gaadhay inuu madaxweynuhu intuu madaxa qabsado uu yidhaahdo (INNAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN, ma laba iyo toban jir, waar waxwalba waa la arki). Isagoo madaxweynuhu dareen tacsi leh u muujiyey qoyskii ilmaha yari ka baxay.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa warbixintiisi sii watay, waxaanu yidhi “Ninka ilmaha yar gawracay oo isku deyey inuu baxsado, ayaa markiiba waxa ka daba-tegay ciidamada amniga iyo shacbiga degaanka oo wada socda, waxana gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegayaan wararkii u danbeeyey ee isoo gaadhay, in gacanta lagu soo dhigay dhagarqabihii”.

Wasiiradu waxay u muuqdeen kuwo ku dhiiran waxqabadka ay dawladu u yeelatay dhalinyarada dalka, sida mucaaradka ay sheegayaana arrintu ay aad uga duwan tahay. Iyagoo tirinaya waxyaabihii ay dawladu dhalinyarada u qabatay waxa ka mid ahaa hadaladooda: in dawladu ay furtay da’adii siyaasada lagu gelayey oo ay ka dhigtay 25 saano jir, taasoo keentay in maanta golahayaasha qaranka gaar ahaan golayaasha deegaanka ay awooda ugu badan iyo xubnaha ugu badan ay yihiin, dhalinyarada. Waxa kale oo la xusay dhalinyarada tirada badan ee hay’adaha dawlada, kuwa madaxa-banaan, Ciidamada iyo shirkadaha  gaarka loo leeyahayba, ay ka muuqdaan shaqaale iyo ciidamo tiro badan oo dhalinyaro ah, xukuumaddu waxay sheegtay in aanay marnaba ku faanin iyadu in 100% ay shaqaalaysiisay dhalin yartii dalka, hase ahaatee ay hayso dhabbihii ay xoogaa dhalinyaradu ku shaqaaloobi lahaayeen, oo ay arrintu aad uga duwan tahay, mucaaradka doonaya inay isku dhuftaan dhalinyarta iyo dawladooda.

Wasiiradu waxay ku nuux-nuuxsadeen in masiibadan tahriibtu tahay wax dunida oo dhan ka jira, gaar ahaan jahooyinka qaarada Afrika oo dhan, ilaa Eeshiya  iyo qaaradaha kaleba oo Yurub laftigeedu isu tahriibto, Ameerikada Koonfureedna ay u tahriibto Ameerikada waqooyi, waxa inoo gaarana aanay ahayn. Hase ahaatee dunida oo dhan ayey ka jirtaa inaga reebi mayso in aynu wax ka qabanno aafada tahriibta.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa xusay in dhaqankeenii ahaa ummad caan ku ah inay shaqaystaan uu lumay dhawr iyo saddonkii sannadood ee u danbeeyey, waxaanu tusaale u soo qaatay in dugsiyadii farsamada gacanta oo ay kuwii ugu horeeyey ardaydii soo gashay aad u tiro yar yihiin, sidaa awgeedna loo baahan yahay in lagu noqdo dhaqankii shaqaysiga ee aan lahaan jirnay, kaasoo dadnimada u wanaagsan if iyo aakhiroba, xukuumad ahaana la kordhindoono dugsiyada xirfadaha shaqo laga barto, isagoo inta aku daray in dhawaan la furidoono dugsigii caanka ahaa ee farsamada gacanta Burco.

iyadoo laga fekerayo xalka, waxa la go’aamiyey in la dardar geliyo wasaaradihii sideeda ka koobnaa ee madaxweynuhu hore ugu dhisay waxka qabashada tahriibta, oo iyaguna halkaasi warbixin koobaysa waxyaabihii u qabsoomay ilaa hadda, kana mid ahayd inay ka diyaariyeen daraasad dhinac walba taabanaysa oo loo adeegsan karo qorshaha wax lagaga qabanayo masiibadan tahriibta, waxa kale oo xalka ka mid ahaa in dhalinyarta oo asluub fiican iyo sharci ku tallaabsaday, una soo qortay wasaaradda arrimaha gudaha inay xus baroordiiqa u qabtaan saaxiibadoodii dhawaan ku halaagmay badda dhexe, in la soo dhaweeyo, xukuumaduna ay aqbasho baroordiiqdaasi, hase ahaatee aan la ogolaanin marnaba in la siyaasadeeyo xuskaa baroordiiqda ah.

Waxanay xubnaha wasiiradu ay ammaaneen nidaamka dhalinyaradu u raaceen cabashada xuska baroordiiqda, ee ay codsiga u soo qorteen wasaaradda arrimaha gudaha,

Ugu danbayn Madaxweynuhu waxa uu amar ka soo saaray  in dhammaan noocyada magafayaasha la cidhib tiro, ciqaab adagna la marsiiyo oo gacan bira lagu dhigo meel ay joogaanba si loo badbaadiyo da’yarta dalka ee ay marin habaabiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.