Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland oo Burco Ka Wadda Ololaha Saxeexa Dalabka Ictiraaf-raadinta Somaliland

Burco – (warsoor) – Wefti uu hogaaminaayo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Kayse ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta gobolka Todheer, kulanka oo lagaga hadlay sidii loo heli lahaa hal milyan oo qof oo Somalilanders ah oo saxeexa dalabka ictiraaf-raadidnta Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Arimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed-kayse oo ka hadlay kulankaasi ayaa ugu baaqaywasiirku_ku_xigeenk_axmedkayse bulshadda gobolka Togdheer inay ka qayb-qaataan ololahan waxaanu yidhi, “Waxaa farxad weyn noo ah haddaanu nahay wasaaraddii arimaha dibadda in aanu halkan ka bilowno maanta [khamiis] codsigii aanu ku raadinaynay taageeradda aqoonsiga Somaliland”.

Wasiir ku-xigeenku ayaa ka hadlay ujeeddada ay wasaaraddu ka leedahay qorshahan cusub ee ay dalka ka bilowday waxaanu yidhi, “Waxaanu doonaynaa in aanu taageero uga dhigno in la helo aqoonsiga Somaliland maadaama ay rubuc qarni ka soo wareegtay.

qaboGudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo masuuliyiinta kale ee gobolka oo kulanka la qaatay wasiir ku-xigeenka ayaa soo dhaweeyey qorshan ay la timid wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland waxaanay sheegeen inay ka qayb-qaadan doonaan bulshaddana ku wacyi-galin doonaan.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo oo noqday qofkii ugu horeeyey ee gobolka Togdheer saxeexa dalabka ictiraaf raadinta Somaliland ayaa sheegay in qof kastaaba kaga qayb-qaato ictiraaf-raadinta Somaliland qalankiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.