Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Ugu Baaqay Culimadda Qaarkood Inay Joojiyaan Hadaladda Ka Dhanka ah Diwaan-galinta Codbixiyayaasha

Hargeysa – (warsoor) – Shir jaraa’id oo khamiistii wasiirka diinta iyo awqaaftu xafiiskiisa ku qabtay kana soo qayb-galeen masuuliyiinta iyo culimadda wasaaradda diinta iyo Awqaafta ayuu baaq ugu diray culimadda Somaliland qaarkood oo ka soo hor-jeedsaday diwaan-galinta codbixiyayaasha Somaliland.

Sheekh Kaliil Axmed Cabdilaahi ayaa shirkiisan jaraa’id ku sheegay in arimaha ay culimadda qaarkood ku kaceen ay amniga dalka khalkhal galin karto, waxaanu wasiirku sheegay in doorashadda Somaliland ay tahay sida kaliyaata ee nabad-galyadda dalka lagu sugaayo.

Wasiirka_diinta&Awqaafta“Dadka qaar baa la leeyahay iyagoo docyeedh ah ayey ku tilmaamayaa diwaan-galintii waxyaalo aanu sharcigu banaynin ama ay ku tilmaamayaan shuqul shaydaan. Waxaanu cadaynayaa oo aanu leenahay walaalayaal ka daaya bulshadd khalkhalka iyo khilaafka aad ku abuuraysaan, waxaanu u aragnaa arintiinaasu inay tahay arin ummadda iska hor keenaysa, waxaanu u aragnaa in arintaasi ay tahay mid u adeegaysa cadowga”, sidaasi waxaa yidhi wasiir khaliil.

Wasiirka ayaa sheegay in wakhtigii asxaabta ay doorasho ka dhex dhacday ummadda Islaamka ah hadday noqoto mid dhawr qof ku kooban iyo hadday noqoto mid umadda afti laga soo qaado.

Doorashadda diwaan-galintii ka dib markii ay dalka ka bilaabantay bishii April 2016 waxaa culimadda qaarkood ay bilaabeen inay bulshadda uga digaan qaataan kaadhadhka codbixiyayaasha oo, waxaanay arintaasi keentay in khilaaf ay ka dhex abuurtay masaajiyadda magaaladda qaarkood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.