Wasaaraddaaha Caafimaadka iyo Warfaafinta oo Mamnuucay Xayeysiisyadda Caafimaadka aan Ruqsadda Haysanin

Hargeysa – (warsoor) – Shir ay maanta si wadda jir ah u wadda qabteen wasiiradda wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta Somaliland ayaa lagu mamnuucay baahinta xayeysiisyadda caafimaadka ee aan ruqsadda ama ogolaansha rasmiga ah aan ka haysanin wasaaradda caafimaadka.

Wasiir Cismaan Saxardiid Cadaani iyo wasiir Saleebaan Axmed Xagle-toosiye ayaa si wadda jir ah u shaaciyey wareegtan lagu mamnuucaayo xayeysiisyadda caafimaadka waxaanay ugu baaqeen dhamaan dhinacyadda ay khusayso ee warbaahinta iyo shirkadaha isgaadhsiinta inay dhaqan galiyaan wareegtaddan.

wasiir-cadaani

“Anigoo tixraacayaa qoraalka ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka Somaliland ee summadeedu tahay MOLH/OG/1538/2016, kuna taariikhaysa October 20, 2016. Taasoo ay ku codsadeen shir ay ka yeesheen ka dib in la joojiyo dhamaan xayeysiiska caafimaadka ee aan munaasibka ahayn. Sidaasi daraadeed, waxaan farayaa masuuliyiinta ay warqaddani ku socoto in aanay ka bixin Telefishanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Radio Hargeysa, Tiifiiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ka hawl-gala oo dhan, jaraa’idka iyo website-yadda intaba, hayaddaha isgaadhsiinta oo ay yihiin Telesom, somtel iyo kuwa kale ee iyaguna hawshaa ka shaqeeya”, sidaasi waxaa yidhi Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Somaliland Cismaan Cadaani.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegayin wareegtan ay gaadhsiin doonaan hayadaha garsoorka dalka ee ay ka mid yihiin maxkamadda sarsare, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka iyo garyaqaanka garanka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Ciise Xaglo-toosiya ayaa warbaahinta iyo shirkadda isgaadhsiinta dalka ka codsaday in aanay baahin iidhehda goobahan caafimaad iyo dhakhaatiirta aan ruqsad ka haysanin wasaaradda caafimaadka Somaliland.

“Tiim baa jira, tiimkaasi waxay tagayaan meesha uu ku haysto shirkadda, waa la soo eegayaa, dhakhaatiirtaa la soo baadhayaa, qualification-kooda oo dhan baa la soo eegayaa, marka la arko waxa uu sheegayaa inuu run yahay, ruqsad baanu soo siinaynaa. Ruqsadaa buu la imanaya wasaaraddda warfaafinta”, Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka qaarkood ay sheegtaan inay daaweeyaan cuduro aan wali daawaba loo helin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.