Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Sabtidan maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xoolaha Somaliland ee ay joojisay boqortooyadda Sacuudi Carabiya.
Wasiir Cukuse ayaa sheegay in xoolaha la joojiyey ay yihiin Lo’da Soomaalida oo ay boqortooyadda Sacuudigu ku sheegtay in xanuuno laga helay.
“Maanta waxay ka cawdeen Lo’a oo ay yidhaahdeen xanuunaa laga helay, markaa waxay yidhaahdeen waanu hakinay. Xoolaha la hakiyey waa xoolihii Soomaalida, guud ahaanba dhulyowga Soomaaliyeed oo dhan ayey noqonaysaa toos ay yidhaahdeen waanu hakinay”, sidaasi waxaa yidhi wasiir Cukuse.
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in aanay xoolaha Soomaaliland qabin wax xanuun ah, waxaanu yidhi, “Annagu wax xanuun ah oo aan ku ognahay, gaar ahaan xanuunaddaa la sheegay ee ay tilmaamayso bqortooyadda Sacuudi Carabiya, wasaaradeeda Beeraha. Anagu waxaanu xaqijinayaa in aanu jirin xanuun ay xoolahaasi qabaan”.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay wasaaradeedu leedahay laabab lagu baadho caafimaadka Xoolaha, sidoo kale ay ku yaalaan macjaro waaweyn oo caalami ah oo lagu hubiyo caafimaadka xoolaha.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku dadaalayso sidii xayiraadaa looga qaadi lahaa xoolaha Soomaalida ee la hakiyey.
This post is also available in:
Somali