Golaha Wakiiladda Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Wasiirka Cusub ee Ganacsiga

Hargeysa – (warsoor) – Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhiga Sabtidan maanta ah waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Cumar Shucayb Maxamed.

Fadhigan Sabtidan oo ay soo xaadireen 43 xildhibaan waxaa shir gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa golaha horkeenay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga Somaliland, waxaanu goluhu ka dhagaystay warbixin ku saabsan wasaaradda loo igmaday iyo waxa uu qorshaysan ee uu qaban doono wasiirka cusubi.

wasiir-dr-shucayb

“Sidaa la socotaan wasaaradda ganacsigu waa muraayadda uu wadan kastaa leeyahay, inay waxay nolosheenu ku xidhan tahay ganacsi, 85% maga GDP-geena la eego, ganacsi buu waxeenoo dhani ku dhian yahay”, sidaasi waxaa ydihi Wasiir Cumar Shucayb.

Golaha ayaa markii ay dhamaysteen dhagaysiga warbixinta wasiirka waxaa uu shirgudoonku codsaday in wasiirka gacanta loo taago si loo ansixiyo ama loo diido.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqaya natiijadda codka ayaa yidhi, “Xildhibaanadda ogol in la ansixiyo Cumar Shucayb Maxamed Wasiirka Ganacsiga gacanta ha taagno.” Waxa uu intaasi ku daray, “Xildhibaanadda diidani gacanta ha taageen. Xildhibaanadda ka aamusay gacanta ha taageen”.

gudoomiye-baashe

“Waxa fadhiyey 43 xildhibaan, 41 xildhibaan waxay ogolaatay in la ansixiyo Cumar Shucayb Maxamed inuu noqdo wasiirka ganacsiga, cid diiday ma jirto, 1 xildhibaan baa ka aamusay, gudoomiyuhu muu codayn, sidaasuu ansax ku yahay”, sidaasi waxaa yidhi Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.