Hargeysa – (warsoor) – Ururka haweenka ee Hoodaale ee dalka Denmark ayaa xoolo nool ugu deeqday qaar ka mid ah qoysaskii ay abaaruhu aafeeyey eek u xoolo waayey abaartii dhawaan dalka ku dhufatay.
Deeqdan xoolaha ah ayaa lagu soo hagaajiyey gudoomiyaha hayadda Al-raxma Sheekh Cabdalla Maxamed Ibraahim iyo Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Jaamac. Wakiiladdan ayaa xoolahan gaadhsiiyey qaar ka mid ah dadkii u xoolo waayey abaartii sanadkan hortaantiisii dalka ku dhuftay, dadkaasi oo isugu jiray agoomo iyo dad danyar ah.
Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay Channel-ka Dhamays Media Group:
This post is also available in:
Somali