Hargeysa – (warsoor) – Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta hayadda UNDP ayaa ka gudoomay diray loogu talo-galay ciidamada Booliska Somaliland.
Munaasibadan oo ka dhacday xafiiska wasiirka cadaaladda Somaliland waxaana ka qayb-galay wasiirka Cadaaladda Somaliland, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga Somaliland, Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland, saraakiil ka socday hayadda UNDP iyo masuuliyiin kale.
Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa uga mahadnaqay hayadda UNDP agabka diraysta ah ee ay ugu talo-gashay ciidamada Booliska Somaliland oo uu taliyuhu sheegay inay wadda gaadhi doonto dhamaan ciidamada Booliska Somaliland.
Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay channelka Nagiib Media:
This post is also available in:
Somali