Hargeysa – (warsoor) – Dadweynaha gobolka Sool gaar ahaanna magaalooyinka Adhi-cadeeye iyo Laascaanood ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Md. Yaasin Xaaji Maxamud Xiiray (Faratoon) iyo wefti balaandhan oo uu hogaaminaayey ayaa gobo fagaare ah kala hadlay dadweynihii ka soo qayb-galay munaasibadan lagu soo dhawaynaayey, waxaanu dadweynaha ku dhiiri-galiyey inay diwaan-galinta codbixiyayaasha ka qayb qaataan si ay horumarka dalka uga qayb noqdaan.
Halkan ka daawo warkaasi oo aanu ka soo xiganay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA:
This post is also available in:
Somali