Hargeysa – (warsoor) – Shir ay maanta si wadda jir ah u qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo asxaabta qaranka ayaa lagu shaaciyey in gobolkii ugu dambeeyey laga bilaabi doono diwaan-galinta doorashooyinka.
Komishanka Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey in 23 bishan August 2016 ay si rasmi ah diwaan-galinta codbixiyayaasha doorashooyinka uga bilaabmi doonto gobolka Sool, waxay bulshadda gobolka ugu baaqeen inay si wanaagsan uga qayb qaataan diwaan-galinta codbixiyayaasha.
Xoghayayaasha xisbiga KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ka hadlay shirkan jaraa’id ee ay maanta ku yeesheen xarunta commission doorashooyinka Qaranka Somaliland waxaanay bulshadda gobolka Sool ku nool ku dhiiri-galiyeen inay ka qayb-qaataan diwaan-galinta codbixiyayaasha, waxanay ka dalbadeen inay soo dhaweeyaan dhalinyaradda waddi doono codbixiyaasha.
This post is also available in:
Somali