Taliska Ciidamada Booliska oo Sheegay Inay Si Degdega Maxkamadda U Horkeeni Doonaan Laba Saxafi oo ay Xidheen

argeysa – (warsoor) – Ciidamada booliska Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in labada saxafi ee Maxamed Baashe iyo Cabdimaalik Coldoon ay ku eedaysan yihiin qaran dumis sidaasi daraadeed maxkamadda la horkeeni doono.

Ciidamada booliska Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku dhigay Wariye Maxamed Baashe oo ahaa agaasimihii telefishanka madax banaan ee STAR TV, waxaanay ciidamada booliska ay sheegeen inay gacanta ku soo dhigay wariyaha isagoo fal dambiyeen qaran dumin ah gacanta kula jira.

Ciidamada booliska ayaa 15 bishan February 2017 xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ka dib markii uu ka soo noqday magaaladda Muqdisho, waxaana wariyaha lagu eedeeyey inuu faraha kula jiray arimo qaranmimadda Somaliland meel ka dhac ku ah.

Shirkan jaraa’id ee maanta uu afhayeenka ciidamada boolisku Faysal Xiis uu qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in ay wariyayaashan eedaysan ay u hayaan cadaymo ku filan sida ugu dhakhso badan ay ku horgayn doonaan maxkamadda.

Halkan ka daawo muqaalkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Taliska Ciidamada Booliska oo Sheegay Inay Si Degdega Maxkamadda U Horkeeni Doonaan Laba Saxafi oo ay Xidheen

Hargeysa – (warsoor) – Ciidamada booliska Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in labada saxafi ee Maxamed Baashe iyo Cabdimaalik Coldoon ay ku eedaysan yihiin qaran dumis sidaasi daraadeed maxkamadda la horkeeni doono.