Maxamed Baashe Waa Birimagaydo Qaranka Abaal Ku leh W/Q:- Maxamed Xuseen Jaamac

Xadhiga la gu la kacay wariye qoraa Maxamed Baashe waa ceeb fool xumo waa gunimo iyo gaf ay gashay xukuumada talada wadanka haysa ee caadaysatay xadhiga iyo caga juglaynta aan loo aabo yeelin ee dhawaanahan xadhkaha goosatay.

Qarankeenu waa democradi qofku waa u xor in uu fikirkiisa cabiro ka hadlo xaalada taagan ee maanta uu wadanku maraayo.

Waxa uu ka mid ahaa uun rag o dayaal ahaa oo muujiyey dareen wadaniyad ku dheehantahay saluugayna qaabka uu wadanka siyaasadiusu u socoto oo ah mid aan bulsho ahaan tudhaa badan oo ka muuqdaa aanu jirin.

Waxa la moodaa in maanta ay meesha ka baxday xoriyatul qawlkii oo ay sheekadu marayso car juuq dheh qofkii hadlana uu la kulmaayo cawaaqib xumo uu xoriyadiisa ku waayayo.

Xukuumada haatan haysa majaraha siyaasada qaranka waxa la gudboon hadii ay wadanka maalgalin iyo hurumar u hayaan in ay ka qanciyaan shacabkooda uu u sheegaan waxa ay uugu fadhido qaran ahaan.

Waxa marag ma doon ah in heshiisyada ay xukuumadu la sexeexatay shirkadaha ajaanibka ah in qasab lagu meel mariyey buuqii ka dhashayna waa loo wada joogay waxa kaliya ee bulshadu ka hadlaysayna waxa uu ahaa fadlan naga qanciya arinka aad wadaan si ay meesha uuga baxdo waxa dhagaha dadka ka batay ee siyaasiyiintu dhagahu uugu ridayaan ee ah qarankii baa la duudsiiyey.

Ugu danbayn waxa aanu ka codsanaynaa xukuumadeena sharafta badan in ay si bilaa shuruud ah ay xoriyadiisa uugu soo celiyaan qoraa oday maxamed baashe oo sodon sano ka hor uuga dhiidhiyey falkan maanta ku dhacay , iyada amakaag ku noqotay bulshada sida dhibta yar ee falkaasi ku dhacay.

Fadlan fadlan xoriyada u soo celiya halyeyga

Mohamed Hussein Jaamac

ababiye 11@mail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.