Sweden: Munaasibada 18-May oo si weyn loo xusay iyo shir calaami ah oo lagaga hadlaayo qadiyada Somaliland

Stockholm – (warsoor) – Swedean ayaa si balaadhan looga xusay 25-guurada ka soo wareegtay maalinta Somaliland la soo noqotay xornimadeeda. Dabaal degan ay isugu soo baxeen jaaliyadaha reer Somaliland ee Sweden ayaa isugu jiray, mudaharaad, shir iyo kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen wasaarada arrimaha dibada Sweden iyo guddida arrimaha dibada u qaabilsan baarlamaanka Sweden. Kulmada waxaa hormood ka ahaa, wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden Rhoda Jama Elmi oo ay weheliyaan La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha Axmed Carwo, Guddida ictiraaf raadinta, Jaaliyada Somaliland ee Sweden iyo sidoo kale mudane Amir Adan oo ah Somalilander ka tirsan baarlamaanka Sweden

11-Dururnimo ayaa xubno ay horkacayaan wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Carwo iyo gudoomiyaha guddida ictiraaf raadinta Sweden Mohamed Yusuf Bidhiidh Badda ay kulan la qaateen Ami Larsson Jain oo ah masuulka ugu sareeya wasaarada arrimaha dibada ee u qaabilsan arrimaha Afrika iyo mudane Tobias Nilsson oo ah sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Sweden. Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin qadiyada Somaliland ee 25-jirsatay, sidii Sweden ay kaalmada ay siiso Somaliland ugu hagaajin lahayd sanduuqada Somaliland Development Fund iyo sidii Somaliland looga saari lahaa liiska goobaha aan loo safrin karin ee Wasaarada Arrimaha dibada Sweden. Arrinkan ayaa daba socday kulamo is bada joog ah oo iminka in muddo ahba u socday wasaarada arrimaha dibada Sweden iyo wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi oo ay weheliyaan guddida ictraaf raadinta Somaliland ee Sweden. Waana GUUL u soo hoyatay Somaliland maadama oo arrinka xanibaada socdaalku uu waxyaabo badan ka hortaagan yahay Somaliland.  Sidoo kale wakiilada Somaliland ee Sweden ayaa wasaarada arrimaha dibada Sweden u gudbisay qoraal ka soo baxay Dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo. Dhamaan qodabada kor ku xusan ayaa wasaarada arrimaha dibadu Sweden sheegtay in ay si toos ah u gudo gelayaan, iyada oo balan qaadeen wasaarada arrimaha dibada Sweden in guddi farsamo oo ka soo talo bixisa arrimaha safarka ay u dirayaan Somaliland, si qiimayn sugan ay u soo sameeyaan. Wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama iyo Guddida ictraaf raadinta ayaa ku dooday in arrimaha kor ku xusan ay dhamaan muhiimada weyn ugu fadhiyaan shacabka reer Somaliland.

1-dii duhurnimo ayaa jaaliyadaha Somaliland ee Sweden waxay banaanbax salmi ah ku muujiyeen qadiyada Somaliland ee 25-tan jirsatay, banaanbaxan oo ka dhacay barxada ka soo horjeedka aqalka BARLAAMANKA Sweden ee Mynttorget. Jaaliyadaha Somaliland ee mudaraadkan ka qayb galay ayaa isaga yimi dhamaan dacalada waddankan Sweden. Halkaas ayaa lagu soo bandhigay cayaara dhaqamedyo iyo sidoo kale qudbado lagu jeediyay Af-Swedish iyo Af-Somaali. Safiirada Somaliland Rhoda Jama Elmi ayaa si aad ah ugu nuux-nuuxsatay socdaalka dimuqraadiyadeed ee Somaliland soo martay 25-ka sanno iyo sidoo kale sida aanay shacabka Somaliland wax-garawshiyo ah uga helin Sweden. Waxaa kaloo mudaraadka qubado ka jeediyay La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Carwo, Gudmooiyayaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee Sweden, Fuad Kaamil, xisbiga Kulmiye, Bashir Bakaal, xisbiga Waddani iyo Ibraahim Kirix xisbiga Ucid. Gudoomiyaha guddida Ictraaf raadinta Mohamed Yusuf Bidhiidh Badda iyo Gudoomiyayaasha Jaaliyadaha Somaliland.

2-dii duhurnimo ayaa Jaaliyadaha Somaliland waxay dhambaal (Petition)qoraal ah u gudbiyeen guddi hosaadka barlaamanka Sweden, dhambaalkaas oo ay ku xuseen sida dawladooda Sweden ay uga hiilisay Dimuqraadiyada, Horumarka iyo Nabada ka jirtya dhulkoodii hooyo ee Somaliland.

 Jaaliyadaha ayaa ku dooday in la gaadhay waqtigii Sweden ay si buuxda uga qayb qaadan lahayd horumarka Somaliland, sidoo kale-na Sweden ay noqon lahayd waddankii EU-ugu horeeyay ee Somaliland ictraafa. Dhambaalka ay jaaliyadaha Somaliland ayaa si kal laab ah ay u gudoomeen barlaamaanka Sweden.

3-dii galabnimo ayaa wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi oo ay weheliyaan guddida ictiraaf raadinta iyo jaaliyadah Sweden waxay kulan la qaateen gudoomiyaha guddida arrimaha dibada u qaabilsan Barlamaanka Sweden ee Kenneth G Forslund.

Kenneth G Forslund ayaa sidoo kale la gudoonsiyay waraaq ka socota xukuumada Jamhuuriyada Somaliland, qoraalkan oo ay guddoonsiisay wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda J Elmi. Sidoo kale waxaa halkaa qudbado ka jeediyay wakiilada iyo Kenneth G Forslund oo si wada jir ah uga hadlay qadiyada Somaliland. Kenneth G Forslund ayaa sidoo kale sheegay in ay joogteyn doonaan kulamada ay la qaataan wakiilada iyo guddida ictriaaf raadinta.

5-tii galabnimo waxaa si toos ah uga furmay xarunta Baarlaamaanka Sweden shir lagaga hadlayo qadiyada Somaliland ee 25-jir satay, wixii Somaliland u qabsoomay iyo sida Sweden ay hormood uga noqon karto in Somaliland ay hesho madaxbanaani buuxda.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay xildhibaan Amir Adan oo ah muwaadin reer Somaliland oo ka tirsan baarlaanka Sweden ayaa waxaa ka soo qayb galay, wasiirkii hore ee dimuqraadiya iyo midawga Yurub ee Sweden Birgitta Olsson, xildhibaan Amir Adan, Suxufi Lars Ströman iyo David Isaksson oo ah suxufi caan ku ah siyaasada arrimaha dibada Sweden oo isagu hagayay Kulankan.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa wakiilada Somaliland Rhoda Jama Elmi, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Axmed Carwo, xubno ka tirsan guddida ictraaf raadinta Somaliland ee Sweden oo uu hogaaminayo guddoomiyaha guddida Mohamed Yusuf Bidhiidh Badda, gudoomiyayaasha Jaaliyahada Sweden iyo aqoonyahano kale oo u Somaliland u dhashay, balse ku dhaqan waddanka Sweden.  Sidoo kale ayaa kulanka waxaa wehelinayay safiirada iyo guddida ictraaf raadinta Somaliland ee Sweden xubno ay xidhiidh dhow la leeyihiin oo ka tirsan baarlaamanka Sweden, xubnaha oo loogu yeedho Somaliland Friends kana tirsan xisbiga talada dalkan haya ee Social-dimuqraadiga waxaa ka mid ah, xildhibaan Hillevi Larsson oo ah xubin baarlamaan oo laga soo doorto gobolka Skåne, xildhibaan Maria Andersson Willner iyo xildhibaan Arhe Hamednaca. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa xubin baarlamaan oo ka tirsan xisbiga Swedish Democracy oo magiciisa la yidhaahdo Markus Wiechel. 

Shirkan oo soconayay muddo labo sacadood iyo badh ayaa lagaga dooday arrimo badan oo khuseeya qadiyada gooni isu taaga, maal-gashiga, kobaca dhaqaalaha iyo dimuqraadiyada Somaliland. Waxyaabaha aadka looga dooday waxaa ka mid ah sidii Sweden ay hormood uga noqon lahayd da’daalka Somaliland ugu jirto baadi-goobka gooni isu taageeda. Sidoo kale waxaa dooda ka qayb qaatay muwadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden, iyaga oo suaalo waydinayay siyaasiyiinta kulanka martida ku ahaa.

Isku soo wada xooriyoo, kulankan oo ah mid aad u qiimo badan waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo xubnaha xisbiyada kala duwan barlamaanka Sweden ay rabaan in ay ka wada shaqeeyaan si loo dardar geliyo da’daalka iyo dimuraadiyada Jamhuriyada Somaliland. Qodabada waxaa ka mid ahaa:-

  1. In xubnaha baarlamaanka ahi ay ka wada shaqayeeen sidii Somaliland looga saari lahaa liiska waddamada aan loo safrin karin, safar aan ahayn dabiici/muhiim. Arrinkan ayaa la isla qaatay in uu muhiiim u yahay kobaca dhaqaalaha iyo dimuqradiyada Somaliland. (Wakiilka Somaliland ee Sweden Rhoda Jama Elmi ayaa iyaduna xubnaha baarlamaanka Sweden ogaysiisay in arrinkan ay wada-hadal hore ugala yeelatay wasaarada arrimaha dibada oo hawshan iyadu qaabilsan, iminkana arrinkaa ay wasaaradu guddi farsamo u saarayso, balse ay muhiim tahay in hawsha la fuliyo sida ugu dhakhsaha badan)
  2. In xafiiska wakiilka Somaliland ee Sweden,(Somaliland Mission in Sweden) mustawihiisa kor loo qaado, oo laga dhigo sidii u ahaan jiray xafiiska dawlada Palestine intii aanay Sweden aqoonsan. Mustawahaas oo sahlaya in dawlada Sweden ay xidhiidh toos ah la samayn karto wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland.
  3. In xafiis kaalmo/ganacsi ay Sweden ka furato Somaliland. Xafiiskan oo hormood ka noqon doonto ha’yada Sweden u qaabilsan kaalmada caalamiga ee magaceeda loo soo gaabiyo SIDA. Middan ayaa sahlaysa in Sweden ay maalgelin iyo kaalmo toos ah ka samayn karto Somaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii shacabka Somaliland ee u badan dhalinyada ay muhiim u tahay in loogu aburo shaqooyin, si aanay qayb uga noqon shaqaalaynta arrgagixisada caalamka ku soo badanaysa ama aanay nafahooda ugu soo biimayn badaha waaweyn, iyaga oo raadinaya NOLOL wanaagsan.

Si kastaba, maalintii shalay waxay ahayd maalin ay shacabka iyo wakiilka Somaliland waxyaabo muhiim uga qabsoomeen waddankan. Taas oo ahayd markii ugu horeeysay ee mudaharaad noocan ah la isugu soo baxo, saxaafada Sweden ay si cajiib ah u qaada dhigto qadiyada Somaliland iyo sidoo kale KULAMO muhiim u ah Somaliland ay qabsoomaan.

Somaliland Ha Noolaato.

13271782_10209337568977183_512957396_o 13223653_10209337568857180_600355973_o 13246312_1051402588272908_162560701832133419_o

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.