Ninkii Warankiisu ku weecday: Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Haddii ay dhibi dhacayso nooc ay tahayba waxa ugu horeeya  ee aad ka fikirtaa  waa in aad adigu noqoto ka koobaad ee badbaadaya , dhibtaasi ha ahaato mid aad sababtay adigu amaba meel kale haka timaadee , taasina waa calaamad muujinaysa rabitaanka xoogan ee aadmigu u qabo sii joogtaynta inuu noolaado.

11014668_688539127919273_1283766680565225313_nQofku  way ku  adagtahay inuu geeri isku dhiibo inta itaalkiisa ah waxa uu  ku dedaalaa inuu ka bad-baado tab iyo xeeshiiba, balse waxa markasta ka badiya qadarta alle,  siyaabaha ugu waaweyn ee geerida sababa  way inoo qoran yihiin oo waynu qaybsanahay, inaga oo magacyo ula baxnay midkasta waxaynu ku calaamadsanaa waxa itaalkeena  ah ee aynu kula tacaalayno.

Waxaynu ugu necebahay marka laga hadlaayo qof dhintay ka isagu is  dila , oo xataa uma ducayno  sida badan  inaga oo ku eedaynayna nafta miskiinta ah ee tii alle uga sii horeeyey .

Waxaan aqaan qof  is dilay  kollay adiguna waad ila garanaysaa qofkaas macagiisa iyo meesha uu joogabee, waxa uu isku dilay  hubka aad taqaano ka ugu xun ee ugu naxdinta iyo naxariista daran, Waran ayaan anigu garanayaaye kaasi  ayaan ugu tusaalaystay, waliba hal mar haddii ay naftu ka baxdo wacnaan lahaydaa, maalmo ayuu  nolol adag  ku sii noolaa maalinkastana isaga ayaa halkii Waranka uu  kaga mudnaa, mid kale oo ka sii af badan iskaga sii taaga , wuu damqanayaa balse daciifnimo xagiisa  ah ma awoodo inuu iska daayo amaba uu cid kale ka codsado in warmahan tirada batay laga guro, naftiisana cafis weydiisto .

Waxbaan kaa ilaabaye  waramahan  markii hore waxa uu u soo urursaday inuu hebel/heblaayo kale  oo iyagu adkaysan kari lahaa uu ku tuuro , inta soo gaadhay isagana  ay iyagu  la dhibanaadaan .balse amarka alle warankii uu tuuraaba meel ka khatarsan halkii uu kala rabay cidda uu ku ganaayo  ayuu isaga kaga dhacaa

Qofkaasi wali wuu noolyahay waanu sii noolaanayaa ayaamahan soo socda , balse wax naf leh lama noola , hana ka cabsoonin hadaad aragto ninka warmaha badan haysta , oo warmaha badankoodu  isaga ayey ku taagan yihiin inta hadhayna  isaga ayaa isku ambo bixinaaya oo waa intii uu kaga guuri lahaa nolosha duunyo .

Ninkaasi waa qofka xaasidka  ah ee diidan waxaad haysato adigu .

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.