Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Hotelka Casriga Ah ee MAAMUUS

Hargeysa – (warsoor) – Munaasibad aad u ballaadhan oo lagu daah-furaayey isla mar ahaantaana xadhiga laga ga jaraayey hotel cusub oo casri ah oo looggu magac daray MAAMUUS HOTEL, ayaa maanta lagu qabtay xarunta hotelkaas oo ku taal bariga magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibaddan ka soo qeyb-galay wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha Md.Cali Maxamed Waran-Cadde, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda Warfaafinta Md.Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil, Madaxdhaqameed, Culimaa-uddiin, ganacsato, dhallinyar iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Maamulaha guud ee MAAMUUS HOTEL Md.Cabdirashiid Xasan Ibraahim oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dhammeystirka iyo daah furka hotelkan casriga ah ee MAAMUUS, waxaana uu carabka ku dhuftay in hotelkan uu shakhsiyan ka tegay suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo sannadkii hore ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay in ay ka maamul ahaan ugu bushaareynayaan guud ahaan shacabka Somaliland ee kala jooga guddo iyo dibadba in ay si hufnaan ah uga heli karaan hotelkan dhammaanba adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin oo ay ugu horreeyaan cuntooyinka iyo hordooyinkuba, waxaana uu ballan qaaday in mar walba ay shaqaalaha hotelkan ugu adeegi doonaan macaamiishooda hufnaan iyo adeeg wanaagsan oo raali-geliya.

“Wan ku faraxsanahay in maanta aanu dhammeystirno sida oo kalena aynu u joogno xafladdii daah-furka iyo xadhig ka jaridda hotelkan oo markii hore uu hirgeliyey Alle godka ha nuuriyee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan, waxaana aanu ka maamul ahaan idiin balan-qaadeynaa ugu bushaareynaynaa guud ahaan shacabka Somaliland in aad naga heli doontaan adeegyo hufan oo idin raali-geliya isla mar ahaantaana aad hotelkan ka heli kartaan adeegyo casri ah oo ay ugu horreeyaan hurdooyinkii, cuntooyinkii iyo weliba hoolalkii shirarka oo iyaguna casri ah, ku soo dhawaada, mar walba gacmo furan iyo adeegyo hufan oo idin raali-geliya, ayaanu diyaar idiin la nahaya haddii Eebe qadaro.”, Ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Ibraahim

 Mulkiilaha Hotel Ambassador Md.Khadar Ambassador iyo mas’uul ka socday shirkadda Telesom iyo Madaxdhaqameed kala duwan iyo Culimaa-uddiin oo iyaguna halkaas erayo kooban ka soo jeediyey, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin furitaanka hotelkan casriga ah, waxaana ay tilmaameen in uu waxyaabo badan uu ka tari doono baahiyaha kala duwan shacabka Somaliland, gaar ahaan bariga magaalada Hargeysa, iyaga oo sida oo kalena Alle uga baryey in uu u naxariistoo Mulkiilahii Hotelkan Sudlaan Maxamed Xasan Ibraahim, waxaana ay ku sifeeyeen in uu ahaa shakhsi hormuud u ah guud ahaan qaranka Somaliland isla mar ahaantaana ka soo qeyb-qaatay hirgelinta iyo horumarinta ganacasiga casriga ah ee Somaliland sida oo kalena ahaa sheekh u adeega diinteena suuban iyo ka shaqeynta wanaaga iyo nabadda Somaliland.

a (23)

Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, iyo Warfaafinta oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa xusay in Mulkiilahii hotelkan uu ahaa shakhsi qaali ku ah qaranka Somaliland isla mar ahaantaana maalkiisa iyo xoolahiisaba u huri jiray siddii uu uga shaqeyn lahaa horumarka shacabka Somaliland, ka qeyb-qaadashada nabadda, fidinta diinta Islaamka iyo weliba taageeridda dadka danyarta ah, waxaana ay kula dardaarmeen ubadkii iyo qaraabaddii uu ka baxay Marxuumku in ay u sameeyaan dhismeyaal waqaf ah si uu wax ugu taro Marxuumka.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna ugu dambeyntii madashaasi ka hadlay, sida oo kalena xadhiga ka jaray hotelkan Casriga ah, ayaa isna dhankiisa muujiyey dareenkiisa ku aadan qiimaha uu lahaa Suldaan Maxamed Suldaan Xasan, waxaana uu sheegay in uu qaranka u qabta waxyaabo badan oo wax-tar u leh shacabka Somaliland, isaga oo ubadkiisiina kula dardaarmay illaalinta hantida  dhaxalkooda iyo weliba in ay ku deydaan aabahoodii u jeexay dariiqa wanaaga iyo horumarka.

Freelance Journalist

Khadar Cabdi Xasan (Gureyte)

Hargeysa/Somaliland

a (20) a (23) a (7) a (4)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.