Xikmadaha Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haruun

Waxaa ka mid ah xikmadaha Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Xaruun.

1-| ” Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano Addunkana uu isbedel ka samayn karo ” .

2-| ” Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa ” .

3-| ” inaad noqoto qof Hami leh oo Han leh , oo Higsi leh , oo Hiraal uu muuqdo waa lagama marmaan “.

4-| ” Dad baa dibaada ku qurux badan guuriga markay soo galana bahal aah , Qofka aad nolosha isgu darsateen iyo caruurtad dhashay inaad ku xumaato , dibadana nin fican oo laga yaqano hebel la yidhahdo noqotid wax fican ma aaha .”

5-| ” Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku , meeday barwaaqaada ay sheegaayaan ” ?

6-| ” Aqoonyahanku hadduu noqdo qof la ibsan karo suldanadu iibsan karto , dawladuhuna laaluushi karan aqoon yahan maaha ” .

7-| ” Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. ”

8- | ” In Hooyo la noqda waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ” .

9-| ” Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyaay buu ogyahay lakin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Akhiro u direen “.

10-| ” Quraanka Haddi aad Akhrido ; qof Rabigi u waraamayo ayaad tahay bal qiyaas Rabiga oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ” .

11-| ” Luuqada soomaaliyeed waa af muslim waa af diin iyo dadnimo baa xambaarsan “.

12- | ” Meesha Qiimaha leh ee uu baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro “.

13-| ” Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo , waxa ka horeeya qalbigooda inad furto qofkaad qalbigiisa fuuri kari weeydayna caqligiisana ma fuuri karaysid ; qalbigana waxa lagu fuura jacayl , naxariis iyo Hadal wanagsan ” .

14-| ” waxa laga yaaba inad sacado badan ku bixiso iskuulka yaad saaqidin oo ka waran maalinta qiyaame haddad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weeyni jirin ” .

15-| ” Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya aah kuwa ugu hurdada yar ”

Rabbi ha inoo xifdiyo cimrigiisana ha inoo dheereeyo jannatul firdowsana hanagu kulmiyo.

X/Q ادم عبد الرحمن

Mohamed Bashiir