Wiilkii Uu Dhalay Mucamar Al-qadaafi oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Liibiya – (warsoor) – Sida ay sheegtay France 24 waxaa dhawr todobaad ka hor xabsiga laga sii daayey wiilkii uu dhalay hogaamiyihii Liibiya ee la dilay Mucamar Al-qadaafi.

Sayf Al-Islaam oo la rajaynaayey inuu noqon doono ninka aabihii xilka Liibiya kala wareegi doona ayaa sanadii 2015 waxaa lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii lagu helay inuu dambiyo dagaal galay.

Sayf Al-islaam ayaa cafi loo fidiyey ka dib markii ay hayadda xuquuqal Insaanka u dooda ee Amnesty ay samaysay dadaalo lagaga badbaadinaayo xukunka ku dhacay, waxaan loo fidiyey cafis.

Saif_Al-islam4

Sida uu qareenka Marcel Ceccaldi u xaqiijiyey Jimacan maanta ah France 24 waxaa 12 April 2016 xabsi gurigii uu ku jiray laga sii daayey Sayf Al-islaam.

Qareen Ceccaldi ayaa sheegay in Sayf Al-Islam uu doonayo inuu ka qayb-qaado midaynta siyaasadda Liibiya sidoo kale uu la dagaalami doono kooxaha argagixisadda ah, kuwaasi oo uu ula jeedo kooxda lagu magacaabo Dawladda Islaamiga ah oo la wareegtay qaybaha ugu muhiisman dalalka Afrikada Waqooyi.

Qareen kale oo lagu magacaabo Karim Khan ayaa isna sheegay Arbacadii in  Sayf Al-Islam la sii daayey dalab ka yimid Amnesy. Qareenka ayaa sheegay in lagu sii daayey Sayf Al-islaam si waafaqsan sharciga u yaala liibiya.

Qareenka ayaa sheegay in Sayf uu hadda ku sugan yihiin dalka Liibiya gudihiisa isago wanaagsan oo nabdoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.