Shirkadda TELESOM Oo Deeqo Lacageed Iyo Gargaaro Kala Duwan Duwan Bishii Ramadaan Gudoonsiisay Bulshadeeda

Deeqo Lacageed, Dharka Ciidda Iyo Kaalmooyin Kale Oo TELESOM Bulshadeeda La Wadaagtay Maalmaha Barakaysan

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey bisha barkaysan ee Ramadaan guddoonsiisay bulshadeeda deeqo maaliyadeed oo ka badan $45,000 (Shan iyo Afartan Kun oo Dollar).

Shirkadda Telesom ayaa ugu horayn waxay guddoonsiisay lacag dhan $20,000 oo dollar iyada oo ugu deeqday machadka Dacwa oo ka mid ah macaahidda islaamiga ah ee sida qiimaha badan loogu barto aqoonta shareecada Islaamka, machadkaasi oo ka kooban Dhisme saddex dabaq ah oo iskugu jira Masaajid iyo Machad lagu baran doono shareecadda Islaamka.

Xafladda wareejinta deeqdan lacageed oo ka dhacay xarunta dhexe ee shirkadda Telesom ayaa waxa halkaasi maaamulka machadka Dacwa guddoonsiiyey Deeqda Lacageed ku guddoonsiiyey  Agaasimaha Horumarinta Arrimaha Bulshadda ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax, Isagoo ka hadlay doorka ay shirkadda Telesom ka qaadato horumarinta arrimaha Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo wax kasta oo umadda muhiimad ballaadhan u leh. Hadalkii Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax madashaasi ka jeediyey waxa ka mid ahaa: “Maanta waxa aynu halkan Xarunta Dhexe ee Telesom u joognaa in aynu Machadka Al Dacwa ku wareejino Lacag Deeq ah oo dhan 20-kun oo Dollar. Sida aan la socono Machadka waxa ku socda dhisme saddex dabaq ah iyo Masaajid oo loo dhisayaa. Sidaa darteed codsi nooga yimid maamulka Machadka waxaanu ka qayb qaadanaynaa Masjidkaasi iyo machadkaasi isku qoofalan ee dacwadda loo dhisayo in aanu ka qayb galno. Shirkaddu qaybteeda ayay ka qaadanaysaa maadaama machadkaasi diinta Ilaahay SWT lagu faafinayo. Shirkaddu iyada oo gudanaysa masuuliyadeeda ka saaran dhaqanka umadda iyo wanaageeda, waxaanu maamulka Machadka guddoonsiin doonaa lacag dhan 20,000 kun oo dollar”.

IMG_0754

Dhinaca kale Maamulaha Machadka Dacwa Sheekh Maxamed Ibrahim oo isna madasha guddoonsiinta deeqdan ka hadlay ayaa ugu horrayn shirkadda Telesom uga mahad naqay deeqdan lacageed ee ay ugu deeqday dhismaha machadka waxaanu yidhi: “Mahadda Ilaahay Kadib, waxaannu halkan uga mahad naqaynaa Masuuliyiinta Shirkadda TELESOM oo looga bartay in ay si weyn uga qayb qaadato khayrka iyo wanaagga bulshada. Lacagtaa Ilaahay soo galiyey shirkaddu waxa ay ka dhex muuqataa meelaha khayrka leh ee Bulshada nafciga u leh ilaahayna maalka ha u barakeeyo. Haddii aannu nahay maamulkii Machadka Dacwa waannu ka guddoonnay deeqdii lacagta ahayd”.

Sidoo kale Shirkadda Telesom waxa ay deeq lacageed oo dhan $20,000 ugu deeqday Jaaliyadda Yeman ee Qaxootiga ku ah dalkeena si taageero shirkaddu ugu fidiso dadkaasi Yemaniyiinta ah ee xaqootiga ugu jooga dalka. Agaasimaha Horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax oo deeqdaasi shirkadda ku wareejiyey masuul ka tirsan JaaliyaddaYeman ayaa yidhi, “ Maanta waxa aynu sidoo kale halkan u joognaa Xarunta Dhexe ee TELESOM in aannu deeq lacageed ku guddoonsiiyo Jaaliyadda Qaxootiga Yemen ee dalka ku sugan xafiiskooda Hargeysa, lacagtaasi oo dhan 20,000 oo dollar. Waxaanu ugu tala galnay in lagu caawiyo dadka qaxootiga ah ee reer Yemen ee walaalaheen ah ee Jaarkeenana ah”.

IMG_0827

Waxa haddaba isna halkaasi deeqdaasi ku guddoomay Masuul ka tirsan Jaaliyadda Yemen ee Qaxootiga ku ah dalkeena oo lagu magacaabo Md. Khaliil Cabdimajiid Al Xasani, waxaanu madasha TELESOM ku guddoonsiisay deeqdan lacagta ah isaga oo ka hadlaya yidhi: “Waxaan Mahad naq ballaadhan u jeedinaynaa Shirkadda TELESOM ee deeqdan lacagta ah noogu dhiibtay dadka qaxootiga ah ee reer Yemen ee dalka Somaliland ku soo qaxay. Aniga oo ku hadlaya jaaliyadda Yemen ee dalka ku sugan iyo qof kasta oo Yemeni ah oo qaxiiti ah ku ah Somaliland in aannu mahad naq ballaadhan u soo jeedino TELESOM , Ilaahayna SWT ka abaal mariyo wanaaggaasi iyo deeqdaasi ay walaalahood siiyeen maalmaha barakaysan”.

Dhanka kale shirkaddaTelesom ayaa dharka ciidda u iibisay Haweenka qaba xanuunka dhimirka ee ku jira Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana deeqdaasi Guddoonsiiyey Maamulka Cisbitaalka Mudane Yaasiin Nuur Mooge oo ka tirsan Shirkada TELESOM.

IMG_1002

“Waxaannu maanta halkan deeq dhar ah ku wareejin doonaa Maamulka Cisbitaalka Hargeysa, deeqdaasi oo aan ugu tala galnay Haweenka qaba dhimirka ee ku sugan Cisbitaalka si ay maalmaha ciidda ugu ciiddaan. TELESOM oo marka horeba si weyn ula shaqayn jirtay Cisbitaalka guud waxaan ballan qaadaynaa in aan sii wadno deeqda iyo kaalmada aannu cisbitaalka siino” Sidaasi waxaa yidhi Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda TELESOM.

IMG_0994

Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar ayaa shirkadda Telesom uga mahad naqay taageerada ay u fidisay dadka dhimirka wax ka qaba iyo sidoo kale si mugga iyo miisaanka leh ee shirkaddu uga qayb-qaadatay dhismaha Waaxda Gargaarka Degdegga ah iyo sidoo kale qaybta mishiinadda sifeeya kelyaha, Dhaktarka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi, “Ma Aha Markii ugu horraysay ee shirkadda Caanka ah ee TELESOM ay deeq umaddeeda tabaalaysan gargaar siiyaan. Si weyn ayay noola shaqaysaa ka cisbitaal ahaan oo door weyn ayay ku leedahay Cisbitaalka Hargeysa. Waxaan og nahay in qaybta Gargaarka degdegga ah dhismaha cusub ee loo dhisayo ay qayb weyn ka qaadatay TELESOM iyo sidii markii aannu la xidhiidhnay ay degdegga uga soo jawaabeen codsigayagii. Sidoo kale ay horena uga qayb qaateen dhismaha qaybta kelyaha ee cisbitaalka. Aadbaan ugu mahad naqayaa TELESOM oo bulshadeeda wax badan u gaysatay oo taakulo ah meelaha ugu mudana wax ku bixisay” ayuu yidhi Dr. Axmed Cumar Askar Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Hargeysa.

IMG_0988 IMG_0920

Shirkadda TELESOM ayaa mar walba ka qayb qaadata horumarinta arrimaha bulshada iyada oo mar kasta bulshada qaybaheeda kala duwan ka qayb qaadata arrimaha gargaarka ah ee wax lagaga qabanayo baahiyaha arrimaha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.