Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL oo La Shiray Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda

Hargeysa – (warsoor) – Fadhigii 158aad oo shir-guddoomiyo Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, ayaa halkaasi waax walba lagaga dhagaystay warbixinno ku sahabsan shaqooyinkooda iyo halka ay wax u marayaan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa aan hirgalinba isla markaasina iyada oo la sheegayo sababaha ay u hirgaliwaayeen waxqabadyada hirgali waayay.

Sidoo kale waxa shir guddoonka qayb ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Maxamed Cabdi Maxamuud, oo isaguna halkaasi ka sheegay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta joogtada ahi tilmaamayna in gacmo isaqabsi lagu gaadho horu mar.

Ugu dambayntiina waxa is xog warysi ballaadhan iyo doodo ku sahabsan shaqooyinka kadib hadalka soo gunaanaday soona xidhay kalfadhigaasi Wasiirka, isaga oo tilmaamay in dadaaal dheeraada qof walba uu geliyo hawsha uu gacanta ku hayo xil dheeraadana iska saaro masuuliyadda uu qaranka u hayo, isaguna uu ka caawin doono sidii uu caqabadaha hortaagan wax ugala qaban lahaa.