WAHSIGA IYO SHAQO DIB U DHIGASHADA! (Q2)

TALOOYIN KU CAAWIN KARA!

  1. Marka ay shaqo kuu taallo, iska jir in aad akhrido ama qorto wax aanay shaqada kuu taallaa kugu waajibinayn. Sida oo kale ka dheeroow ku mashquulka talefanka gacanta ama hawl kale uun aad qabato iyada oo ay shaqo kale kuu taallay.
  2. Dhaqan ka dhigo shaqo kasta inta aanad bilaabin in aad naftaada la qaadato waqti ay firaaqo ka tahay wax kasta oo aan ahayn ka fikirka shaqada u taalla, sida ugu habboon ee ay u gudan karto, iyo wanaagga ay leedahay in ay waqtigeeda ku gudataa. Taas lidkeedana waxaa muhiim ah in aad maskaxda ka saarto ka fikirka abaalmarin aad shaqada ku helayso iwm, maadaama oo ay ka mid tahay shaqadaada rasmiga ah.
  3. Shaqada aadka u badan ama hawsheedu adagtahay waxa ay qofka ku beertaa dareen ah in uu ku dhex habaabo, ama in uu ka caajiso intaa aanu bilaabin iyo marka uu ku dhexjiro labadaba. Sababtuna waa in ay qofka ula muuqanayso in ay tahay hawl furan oo aan lahayn waqti lagu soo afjaro, ama shaqo aan dhammaadba yeelanayn, weynideeda awgeed.

Marka ay sidaas tahay waxaa aad u muhiim ah in uu shaqadaas jejebiyo, kana dhigo qaybo mid kastaa leedahay bilow iyo dhammaad. Markaas waxa ay naftu dareemaysaa in hadba hawshan u taallaa ay aad u yartahay, kuna dhiirranayso qabashadeeda. Waxaa ka sii muhiimsan iyaduna in naftaada aad barto in aanay goobta shaqada ka tegin ama Miiska xafiiska ka kicin illaa ay dhammaystirto hawshaas qaybta markaas ay waddo.
Markaas ayaa uu qofku dareemayaa guul in uu gaadhay iyo in uu horusocod yahay. Talada ugu habbooni waa in marka aad hawlqabanayso aad samaysato liiska kala hormaynta hawshaas iyo mid kasta waqtigeeda Bilowga iyo dhammaadka.

  1. Hawl kasta u samee waqti ay bilaabato iyo mid ay dhammaato: Tallaabadani waxa ay abuuraysaa in qofku uu si waaqici ah u garto in dhammaystirka hawshu ay inta badan u baahantahay wax ka badan hal fadhi oo xidhiidh ah. taas oo macnaheedu yahay in aynu fahamsannahay in fadhi kasta oo hawleed oo aynu gelaynaa uu yeesho xuduud soo xidha halka uu ku dhammaanayo iyo in hawlaha qaarkood ay u baahan yihiin fadhiyo badan oo waqtiyo kala duwan ah.

LA SOCO QAYB KALE