Soomaaliya iyo Masar oo heshiis is-af-garad ah kala saxiixday

Qaahira-(WARSOOR)-Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu wehliyo Safiirka JFS  u jooga Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasabad heshiis is-af-garad (MoU)  ay ku kala saxiixdeen Bankiga dhexe ee Soomaalya iyo Masar.

Heshiiska is-af-garadka ah ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi, iyadoo ay kor u qaadi doonta dib u dhiska Bangiga dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo booqday xarunta Safaaradda JFS ee Masar, waxaana kusoo dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyada ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda iyo waxqabadka muuqda.